Edinson Cavani Oo Man United U Sheegay Go’aankiisa Kama Dambaysta Ah Ee Ku Aadan Mustaqbalkiisa.

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Man United ee Edinson Cavani ayaa lagu soo waramayaa in uu iska diiday fursad uu heshiis cusub uu saxiixi lahaa kooxda Man United isaga oo u sheegay in uuna qalinka ku duugi doonin heshiis cusub waliba doonayo in uu ku biiro kooxda Boca Juniors.

Xiddigii hore ee kooxda PSG ayaa heshiis hal sano ah ku duugay markii uu yimid Man United sidoo kale hal sano dookh u haystay in uu qalinka ku duugo xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Wargayska Todofichajes ayaa haatan sheeaya in Cavani uu maamulka Man United u sheegay in uuna saxiixi doonin heshiis cusub waliba isaga tagi doono kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Wararka ayaa sheegaya in uu xiddiga reer Uruguay doonayo in uu u dhawaado qoyskiisa kuna biiro kooxda Boca marka uu dhoco heshiiskiisa kooxda Man United xagaaga.

Cavani ayaa Man United u ciyaaray 19 kulan oo premier League ah waxana uu dhaliyay 6 gool xilli ciyaareedkan inkasta oo uu kaliya 10 kulan ku bilowday shaxda kooxda.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Su’aalo Xiiso leh Oo Aad Waydiin Kartid Gacaliyayaaga Waliba Qaligiisa Kugu Dhawaynaya, Ha Kaga Waaban Hadda Waydii.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*