Edinson Cavani Oo Loo Sheegay In Uu Isaga Tago Man United, Sabab.

Caawiyaha tababaraha xulka qaranka uruguay ee Mario Rebollo ayaa xiddiga Man United ee Edinson Cavani u sheegay in uu isaga tago kooxda Man United kuna biiro kooxda Boca Juniors hadii uu doonayo in uu si joogto ah ugu ciyaaro xulka qarankiisa.

Weeraryahanka reer Uruguay ee Edinson Cavani ayaa lala xidhiidhinayay ka tagista Man United inkasta oo uu wax hal sano ka yar ku qaatay Old Tafford.

Edinson Cavani ayaa Man United ku soo biiray xagaagii isaga oo qaab xor ah ugu soo biira kadib markii uu dhamaaday heshiiskii uu kula jira kooxda PSG.

Laakiin xiddiga 34 jirka ah ayaa dhaawac badan ku dhibaatooday taas oo keentay in ay soo baxaan warar sheegaya in uu doonayo in uu isaga tago United maadama uu la qabsan waayay jawiga England.

Caawiyaha tababarah xulka qaranka Urugauy oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Cavani hadii uu ku biiro Boca ama koox kale waxa ay ka caawinaysaa xulka qaranka”ayuu u sheegay 2 De Punta.

“Muhiimada ayaa ah mar walba in uu raaxo ku dareemo ciyaarista waliba uu si joogto a u ciyaaro si uu ugu ciyaaro xulka qaranka”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Qaab Fudud Oo Aad U Soo Jiidan Kartid Gabadh Adiga Oo Aan Xitaa Hal Kalmad Ah Odhan, Hada Tijaabi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*