Edinson Cavani Oo Kashifay Qofkii Ku Qanciyay In Uu Ku Biiro Man United.

Xiddiga cusub ee kooxda Man United Edinson Cavani ayaa sheegay in uu wadahadalo la qaatay xiddigii hore ee Man United Ander Herrera kaas oo ku qanciyay in uu ku biiro kooxda Man United.

Weeraryahanka reer Uruguay ayaa ku soo biiray Man United maalintii ugu dambaysay suuqa kala iibsiga kadib markii uu ka tagay kooxda PSG.

33 jirka ayaa lala xidhiidhinayay kooxo badan oo ay ka mid yihiin Atletico Madrid, Benfica & Leeds ka hor intii uuna ku biirin Man United.

Cavani ayaa haatan sheegay in uu Xiddigii hore ee khadka dhexe ee Man United ee Andre Herrera kaas oo uu Cavani kaga soo garab ciyaaray PSG ku qanciyay in uu ku biiro kooxda Man United.

“Haa, waxa aan in badan la hadlay Ander sidoo kale xiddiga kale ee Angel Di Maria”ayuu Cavani yidhi.

“Markii ay Man United i soo dalbatay waxa aan la hadlay Ander”.

“Aad ayaan u jeclaa Ander, waxa uu ahaa qof fiican waxana uu wax iiga sheegay Man United”.

“Sidaas darteed isaga ayaa igu qanciyay in aan ku biiro Man United”.

Sii Akhriso: Somaliland Oo War-Murtiyeed Ka Soo Saartay Doorashooyinka Golaha Baarlamaanka Matalaya Somaliland Ee Jooga Ee Somaliya

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*