Edinson Cavani Oo Aan Todobaadka Dambe U Ciyaari Doonin Man United & Sababta Oo La Ogaaday.

Xiddiga cusub ee kooxda Man United ee Edinson Cavani ayaa la sheegayaa in uu seegi doono kulanka Newcastle ee premier League kadib fasaxa xulalka.

Edinson Cavani ayaa Man United ku soo biiray maalintii ugu dambaysay suuqa kala iibsiga xagaaga kadib markii uu qalinka ku duugay heshiis hal sano ah.

Laakiin sabab la xidhiidha xeerka Karantiilka ee u yaala England Edinson Cavani ayaa gali doona karantiil muddo 14 maalin ah ka hor inta uuna u ciyaarin kooxda kulankiisii ugu horeeyay.

Sidaas darteed Edinson Cavani ayay u badantahay in uu seegi doono kulanka 17 bishan ee ay la ciyaari doonaan kooxda Newcastle oo ay 10 maalin ka dhimantahay.

Sii Akhriso: Madaxweynaha Somaliland Oo Beesha Caalam-ka Waydiiyay Sababta Aan Somaliland Loo Aqoonsan Muddo 30 Sano Ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*