Edinson Cavani Baal Dahab Ah Ka Galay Taariikhda Man United

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Man United ee Edinson Cavani ayaa isku qoray taariikhda kooxda Man United kadib guushii ay Red Devils ka gaadhay kooxda Fulham kulan ka tirsanaa premier League.

Weeraryahanka Edinson Cavani ayaa dhaliyay goolka bar-baraha ee kooxdiisa kadib markii ay Fulham ku hor martay goolka 1-aad.

Xiddiga Edinson Cavani ayaa goolasha kor ugu qaaday 5 gool isaga oo 4 gool dhaliyay Premier League hal kalena dhaliyay Carabao cup-ka.

4-ta gool ee uu Edinson Cavani ka dhaliyay horyaalka premier League waxa uu dhamaantood ka dhaliyay kulamo ka baxsan garoonka Old Trafford.

Shabakada Opta ayaa sheegtay in uu Edinson Cavani yahay xiddigii ugu horeeyay ee 4-tiisii gool ee ugu horeeyay ee kooxda Premier League ka dhaliyay meel ka baxsan garoonka Old Trafford.

Cavani ayaa goolkiisii ugu horeeyay ka dhaliyay Everton kulan ay Man United marti ahayd halka uu Laba ka mid ah dhaliyay kulankii Southampton ee ay sidoo kale martida ahaayeen halka uu goolkiisii ugu dambeeyay ahaa goolkii Fulham.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*