Ederson Oo Shaaciyay Sababta Uu U Diiday Ku Biirista Horyaalka Sucuudiga.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Brazil Ederson, oo ah goolhayaha kooxda Ingariiska ee Manchester City, ayaa shaaca ka qaaday sababta uusan ugu dhaqaaqin horyaalka Sacuudiga.

Goolhayaha 31-jirka ah ayaa lala xiriirinayay inuu ka tagayo Man City xagaaga 2024 iyada oo lala xidhiidhinayay kooxaha ka ciyaara horyaalka sucuudiga.

“Runtii waxaa jiray dalab ka yimid kooxaha sucuudiga, dalab weyn oo miisaan leh ayay ii soo bandhigeen”ayuu Ederson yidhi.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay: “Waxaan la yeeshay wadahadalo aan la soo koobi karin oo aan la yeeshay Pep Guardiola, kuwaas oo mid ka mid ah uu lagama maarmaan u ahaa inaan la sii joogo Man City.”

Goolhayaha reer Brazil ayaa ku biiray Man City xagaagii 2017, isagoo uga yimid Benfica ee Portugal.

Ederson ayaa ka qayb qaatay 9 kulan u ciyaaray Man City tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga