Eden Hazard Waxa Uu Noqon Lahaa Xiddiga Ugu Fiican Hadii Uu Ku Biiri Lahaa Kooxdan.

John Bico ayaa ahaa wakiilka Eden Hazard ilaa sanadkii 2013 waxana uu rumaysanyahay in uu xiddiga reer Belguim noqon lahaa xiddiga ugu fiican adduunka hadii uu ku biiri lahaa Barcelona.

Bico ayaa dareensan in ku biiristii Hazard ee Real Madrid ay ahayd mid wakhti dambe marka loo eego in ay dusha ka fuushay masuuliyada buuxinta booskii Cristiano Ronaldo.

“Waxa ay ahayd khalad uu sameeyay Hazard in uu wakhtigaas ku biiro Real Madrid, waxa uu ahaa go’aan uu qalbiga ka gaadhay laakiin ma jrin sabab cad”ayuu Bico u sheegay Derniere Heure.

“Waxa ay ahayd in uu sanad ka horeeya sanadkii uu ku biiray Real Madrid yimaado isla markii uu Ronaldo ka tagay kooxda”.

“Waxa aan anigu kula talin lahaa in uu sanad ka hor ku biiro Madrid”ayuu sii raaciyay.

Bico ayaa rumaysan in rabitaanka jidh ahaaneed ee Real Madrid ay aad u sarayso sidaas darteed uu Hazard ku soo bixi lahaa Barcelona.

“Dadku waxa ay u muuqataa in ay iloobeen qaab ciyaareedka labada kooxood marka loo eego in Real Madrid ciyaarto qaab ciyaareed jidh ahaaneed iyo qaab orod ah”.

“Xiddiga James Rodriquez ayaa ku dhibaatooday Real sidaas datreed Hazard waxa uu ku soo bixi lahaa Barcelona”.

“Barcelona waa meesha uu u ciyaari lahaa si ka fiican sida haatan, waxana uu noqon lahaa xiddiga ugu fiican adduunka hadii uu ku biiri lahaa Barcelona”.

Sii Akhriso: Sharciyada Jacaylka: Wax Ka Baro 10-ka Sharci Ee Ugu Muhiimsan Ee Jacaylka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*