Eden Hazard Oo Robben, Kaka, Bale & Xiddigo Kale Kula Biiray Liiska Xiddigaha Dhalada Ah Ee Soo Maray Real Madrid.

Ma jirto cid ka shakisan tayada Eden Hazard iyo waliba in uu yahay xiddig ku haboon Real Madrid inkasta oo ay ka soo bixisay lacag dhan 100 milyan oo euro.

Si kasta ha ahaatee dhaawacyo ayaa dilay waayahaa Eden Hazard ee Real Madrid isaga oo haatan ku biiray Liiska xiddigo dhaawacyo dileen wakhtioodii Los Blancos.

Xiddigahan ayaa dhamaantood Real Madrid yimid iyaga oo ah xiddigo fiican kuna jira qaab ciyaareed fiican ka hor intii ayna ku soo biirin Los Blancos.

Laakiin markii ay yimaadeen ayay ka bixi waayeen dhaawacyo taas oo ugu dambayn keentay in ay isaga tagaan kooxda iyaga oo aan wakhti fiican la qaaban.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa Liiska xiddigaha sida dhalada iska dhaawacmi jiray intii ay joogeen kooxda Real Madrid.

  1. Prosinecki
  2. Woodgate
  3. Robben
  4. Kaka
  5. Bale
  6. Juan Lozano

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*