Eden Hazard Oo Raali Galin Siiyay Taageerayaasha Real Madrid Kadib Dhacdadii Chelsea.

Eden Hazard ayaa la kulmay dhaleecayn aad u weyn la kulmay kadib markii la arkay isaga oo la qosalaya xiddigaha Chelsea kadib markii Real Madrid laga reebay champions league Arbacadii.

Xiddiga reer Belguim ayaa ku laabtay garoonka kooxdiisii horee Stamford Bridge kulan champions League ahaa laakiin waxa uu la kulmay dhaleecayn xoogan kadib markii la arkay isaga oo la qoslaya qayb ka mid ah xiddigaha Chelsea kadib markii ay dhamaatay ciyaartu.

Laakiin Hazard ayaa raali galin siiyay taageerayaasha kooxda isaga oo bogiisa Instagram ku qoray raali galinta uu siiyay taageerayaasha kooxda Ls Blancos.

“Waan ka xumahay”ayuu Hazard ku qoray Instagram-kiisa.

“Waxa aan akhriyay fikirado badan oo igu saabsan laakiin ujeedkaygu ma ahayn in aan ceebeeyo Taageerayaasha Real Madrid”.

“Mar walba waxa riyo ii ahayd in aan u ciyaaro Real Madrid waxana aan halkan u imid in aan wax walba kula guulaysto Madrid”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Fariimo Jacayl Oo Raali Gelin Ah, U Dir Gacalisadaada, Shaki La’aan Way Ku Cafin Doontaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*