Eden Hazard Oo Laga Saray Waajibaadka Xulka Qarankiisa Belguim Kuna Laabtay Real Madrid.

Xidhiidhka kubada cagta Belguim ayaa xaqiijiyay in xiddiga Eden Hazard ku laabtay Real Madrid kadib markii uu dhaawac ka soo gaadhay kulankii u dhexeeyay xulka Belguim iyo France.

Xulalka France iyo Belguim ayaa ku kulmay semi-final tartanka UEFA Nations League kaas oo uu xulka France ku badiyay 3/2.

Hazard ayaa dalbaday in la badalo qaybtii dambe ee ciyaarta kadib markii uu xanuun ka dareemay muruqa waxana uu sii wadan kari waayay ciyaarta.

Xidhiidhka Belguim ayaa sheegay in uu xiddigu ka baxay liiska xulka qaranka kuna laabtay Madrid si uu u bilowdo ka soo kabashada dhaawaca soo gaadhay.

Xiddiga Hazard ayaa ka maqnaan doona inta ka dhimana waajibaadka xulka qarankiisa ee fasaxa xulalka isaga oo Madrid ku mari doona baadhitaan lagu ogaanayo inta uu garoomada ka maqnaan kar.

Sii Akhriso: Ma Dhacday In Gacalisadaadu Ku Siiso Jawaabo Gaagaaban, Ma Is Waydiinaysaa Sababta Ay Sidaas U Samaynayso, Halkan Kaga Bogo Warbixinta Cajiibka Ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*