Eden Hazard Oo Ku Soo Laaban Kara Premier League & Kooxda Doonaysa Oo La Ogaaday.

Xiddiga kooxda Real Madrid ee Eden Hazard ayaa lagu soo waramayaa in uu ku soo wajahnyahay premier League iyada oo kooxda chelsea doonayso in ay xiddiga ku soo celiso Stamford Bridge.

Xiddiga reer Belguim ayaa Blues joogay intii u dhexaysay 2012 ilaa 2019 isaga oo dhaliyay 110 gool iyo 352 kulan oo uu u ciyaaray kooxda.

Xiddiga 30 jirka ah ayaa ku dhibaatooday in uu wax saamayn ah ku yeedho kooxda real Madrid tan ilaa markii uu ku soo biiray Los Blancos.

Wargayska Defense Central ayaa sheegay in chelsea doonayso in ay dib u soo celiso xiddiga iyaga oo waliba diyaar u ah in ay kula soo saxiixdaan 50 milyan oo euro.

Sii Akhriso: Waa Maxay Sababta Ay Dumarku U Doorbidaan Ragga Dhaadheer? 3-dan Sabab Ayaa Ka Dambaysa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*