Eden Hazard Oo Ka Hadlay Xilli Ciyaareedka Adag Ee Uu Ku Qaatay Real Madrid.

Xiddiga kooxda Real Madrid ee Eden Hazard ayaa Real Madrid ku qaatay wakhti adag oo dhaawacyo dileen xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay ee kooxda Real Madrid.

Xiddiga Eden Hazard ayaa haatan ku maqan dhaawac kuraanta ah oo soo gaadhay 22 bishii February kulankii Levante kaas oo u baahday qaliin waxana la filayay in uu seego inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Laakiin kadib markii horyaalada loo joojiyay sabab la xidhiidha xanuunka Coronavirus xiddiga ayaa la filayaa in uu dib ugu soo laabto xilli ciyaareedkan laakiin Hazard ayaa sheegay in uu ka fikirayo kaliya xilli ciyaareedka dambe.

“Xilli ciyaareedkayga ugu horeeya ee Real Madrid waxa uu ahaa mid axun, laakiin dhamaan ma xumayn”ayuu u sheegay RTBF.

“Waxa uu ahaa xilli ciyaareedkii aan la qabsanayay kooxda iyo horyaalka”.

Advertisements

“Waa in la i qiimeeyaa xilli ciyaareedka 2-aa”.

“Aniga ayay ii taalaa in aan qaab fiican ku soo galo xilli ciyaareedka dambe”.

“Kooxda Real Madrid waa koox fiican, waxa aan soo qaatay khibrad fiican”.

“Wali waxa heshiiskayga iiga hadhay 4 sano”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*