Eden Hazard Oo Ka Hadlay Mustaqbalkiisa Real Madrid

Xiddiga kooxda Real Madrid ee Eden Hazard ayaa meesha ka saaray in uu xagaagan isaga tagi doono kooxda ka dhisan caasimada Spain ee Madrid inkasta oo uu ku fashilmay in uu wax saamayn ah ku yeesho kooxda ilaa haatan.

31-sano jirkaan ayaa yimid Santiago Bernabeu isagoo rajo weyn laga qabo sanadkii 2019 markii uu qaab ciyaareed fiican ku soo qaatay Chelsea kuna dhaliyay 110 gool.

Xiddiga ayaa Real Madrid ugu biiray lacag dhan 118 milyan oo euro taas oo ahayd lacagtii ugu badnayd ee laga badiyay xiddiga reer Belguim ah.

Si kasta ha ahaatee dhibaato dhibaato dhaawac ayaa xiddiga u diiday in uu soo bandhigo qaab ciyaareedkii laga filayay.

Xiddiga reer Belguim ayuu shaki ku jiraa mustaqbalkiisa kooxda Real Madrid iyada oo lala xidhiidhinayo in uu ka tagayo kooxda.

Laakiin Hazard ayaa meesha ka saaray in uu isaga tagayo kooxda Real Madrid inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.

“Cid walba way ogtahay in aan Real Madrid kula jiro heshiiska ilaa xagaaga 2024, 3-dii xilli ciyaareed ee aan joogay kooxda ma noqon sidii aan doonayay”.

“Waxa aan doonayaa in aad cid walba tuso awoodayda”ayuu sii raaciyay hadalkiisa.