Eden Hazard Oo Hogaaminaya Xiddigaha Ugu Mushaharka Badan Real Madrid.

Eden Hazard ayaa hogaaminaya liiska xiddigaha ugu mushaharka badan real Madrid haatan sida laga soo xigtay Capology.

Waxa la soo saaray Liiska xiddigaha ugu mushaharka badan Real Madrid kadib markii ay kooxdu samaysay saxiixyo cusub suuqa xagaaga.

Xiddiga Hazard ayaa ah xiddiga ugu mushaharka badan marka la eegayo mushaharka sanadki ah ee ay xiddiguhu ka qaataan kooxda Real Madrid.

Waxa ku xiga xiddiga kooxda weerarka ua ciyaara ee Karim Benzema isaga oo ka mid ah xiddigaha ugu mushaharka badan Los Blancos.

Waxa ku xiga xiddiga David Alaba halka uu 10-ka xiddig ee ugu mushaharka badan ku jiro xiddiga cusub ee Antoino Rudiger.

Halkan Hoose Kaga Bogo Liiska xiddigaha ugu mushaharka badan Real Madrid:

  1. Eden Hazard – €15,000,000
  2. Karim Benzema – €11,520,000
  3. David Alaba – €10,800,000
  4. Toni Kroos – €10,530,000
  5. Vinicius Junior – €10,000,000
  6. Luka Modric – €9,450,000
  7. Antonio Rudiger – €9,000,000
  8. Thibaut Courtois – €5,670,000
  9. Casemiro – €4,730,000
  10. Marco Asensio – €4,720,000