Eden Hazard Oo Bar-Barayn Kara Rikoodhkiisii Ugu Fiicnaa Ee Real Madrid.

Eden Hazard ayaan wakhti fiican ku qaadan kooxda Real Madrid tan ilaa markii uu kaga soo biiray chelsea iyada oo ay dhaawacyo ka joojiyeen in uu kulamo xidhiidh ah ciyaaro.

Xaqiiqada ayaa ah hadii uu Hazard ciyaaro kulanka Levante ee horyaalka Axada waxa ay noqon doontaa markii 2-aad ee uu ciyaaray 7 kulan oo xidhiidh ah intii uu joogay kooxda Real Madrid.

Xiddiga 30 jirka ah ayaan ku jirin qaab ciyaareed fiican laakiin joogto la’aanta kulamada ayaa sabab u ah in uuna xiddigu qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigin kooxda Real Madrid.

7-dii kulan ee xidhiidhka ahaa ee hore ee uu Hazard u ciyaaray Real Madrid ayaa ahaa intii u dhexaysay October Iyo November 2019.

Kulamadaas ayaa kala ahaa kulamada uu ka hor tagay kooxaha Galatasaray, Leganes, Real Betis, Galatasaray, Eibar, Real Sociedad Iyo PSG.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 3 Arin Oo Dhici Doona Kaliya Hadii Aad Noloshaada Ku Haysto Gabadha Saxda Ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*