Eden Hazard Oo Afka Furtay Kana Hadlay Qaab Ciyaareedkiisa Xun Ee Xilli Ciyaareedkan.

Xiddiga garabk weerarka uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Eden Hazard ayaa soo hor istaagay saxaafada kadib dhamaadkii kulankii ay kooxdiisu guuldarada kala kulantay Man City kana tirsanaa champions League.

Real Madrid ayaa guuldaro 2/1 ah kala kulantay kooxda Man City kulan ka dhacay Etihad Staduim iyaga oo ka hadhay tartanka champions League.

Eden Hazard ayaan soo bandhigi qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo ku dhibaatooday in uu saamayn ku yeesho kooxdiisa intii ay socotay ciyaartu.

Hazard oo ka hadlaya qaab ciyaareedkiisii liitay ee xilli ciyaareedkan ayaa yidhi”Waxa aan diyaar u noqon doonaa xilli ciyaareedka dambe, shaqsi ahaan waxa aan dareemayaa in aan ka soo fiicnaanayo sidii hore”.

“Xilli ciyaareedkaygu waxa uu ahaa mid adag sabab la xidhiidha dhaawacyo laakiin waxa aan hubaa in aan diyaar noqon doono xilli ciyaareedka dambe”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*