Eddie Nketiah Oo Mikel Arteta U Diray Fariin Ku Saabsan Alexandre Lacazette

Eddie Nketiah ayaa si maldahan u sheegay in uu noqon karo badalka Alexandre Lacazette hadii uu xiddigu isaga tago kooxda Arsenal dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Xiddiga reer France ayaa lala xidhiidhinayay in uu isaga tagayo Arsenal dhamaadka xilli ciyaareedkan xilli uu shaki ku jiro xidhiidhkiisa Tababare Mikel Arteta.

Alexandre Lacazette ayaa Arsenal kula jira heshiis dhici doona xagaaga dambe laakiin waxa laga yaabaa in ay kooxdu iska iibiso wakhtigaas ka hor hadii uuna heshiis cusub saxiixin.

Arsenal ayaa go’aan qaadan doonta hadii ay heshiis cusub u soo bandhigayso xiddiga iy hadii ay iska iibinayso marka loo eego in uu dib ugu soo laabtay qaab ciyaareedkii fiicnaa.

Laakiin Nketiah ayaa si maldahan u sheegay in uu awood u leeyahay in uu noqon karo badalka Lacazette hadii uu xiddigu isaga tago kooxda Arsenal.

“Waxa ay ahayd wakhti adag sababta oo ah maan ciyaarin kulamadii aan doonayay”ayuu Nketiah yidhi.

“Waxa aan u shaqeeyay si ada waxana aan ahaa mid diirada saaraya laakiin aad ayaan u niyad jabay in aanan helin fursadihii aan doonayay”.

“Waan rumaysanahay awoodayda waxana aan aaminsanahay in aan awood u leeyahay ciyaarista iyo waliba in aan caawiyo kooxda sidaas darteed waxa aan u shaqeeyaa si adag si aan isugu diyaariyo fursadaha marka aan helo”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*