Eddie Nketia Oo Fariin Digniin Ah U Diray Gabriel Jesus, Sabab.

Weeraryahanka kooxda Arsenal ee Eddie Nketia ayaa fariin u diray xiddiga lala xidhiidhinayo Arsenal ee Gabriel Jesus.

Arsenal ayaa suuqa ugu jirta weeraryahan cusub si ay u xoojiso weerarka waxana lala xidhiidhinayaa xiddiga Man City ee Gabriel Jesus.

Xiddiga Eddie Nketia ayaa dhankiisa u dagaalami doona booska weerarka xilli ciyaareedka dambe kadib markii uu heshiis cusub u saxiixo kooxda.

Xiddiga Eddie Nketia oo qaatay Lambarkii taariikhiga ahaa ee Henry ayaa la waydiiyay ku biirista Jesus ee Arsenal waxana uu yidhi”Koox walba waxa ay u baahantahay koox ay ku tartanto, kooxdu mar walba waxa ay doonaysaa in ay is xoojiso”.

“Kooxdu waxa ay iga saxiixatay heshiis cusub waxana ay arintaas u sameeyeen sabab”.

“Weeraryahan kasta oo yimaado waa in uu ogaado in aan la tartami doono isla markaas soo dhawayn doono”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*