Eddie Howe Oo Ka Hadlay Mustaqbalka Alexander Isak.

Tababaraha kooxda Newcastle ee Eddie Howe ayaa ka hadlay mustaqbalka xiddiga Alexander Isak.

Alexander Isak ayaa lala xidhiidhinayaa in uu isaga tagayo kooxda isaga oo xiiso ka helaya Liverpool Iyo kooxaha sucuudiga.

Xiddiga Alexander Isak ayaa Newcastle ka codsaday in uu boxo suuqa xagaagan si uu tartan cusub u galo.

“Aad ayuu caan uga yahay qolka labiska, waxaan jeclaan lahayn inuu sii wato safarkiisa Newcastle”ayuu yidhi tababaraha Newcastle.

“Waxyaabo ka socda daaha gadaashiisa, wadahadalo ayaa u socda kooxda Iyo Alex wax walba oo dhacana waa in ay u fiicantahay kooxda”.

“Ma jiraan wadahadalo qandaraas oo dhacaya.

Taasi waxay ahaan doontaa taariikh dambe, suurtagal ah. Runtii waxaan rajaynayaa inuu sii joogo”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga