Eberechi Eze Oo Durba Isku Qoray Taariikhda Arsenal Ka Hor Inta Uuna Xidhan Maaliya Kooxda.

Eberechi Eze ayaa qarka u saaran inuu noqdo  saxiixii ugu qaalisanaa ee 3-aad ee taariikhda kooxda Arsenal.

27-sano jirkaan ayaa maanta mari doona tijaabadii caafimaad isagoo dhameystiri doona 67.5 milyan ginni oo uu kaga soo wareegay Crystal Palace isbuucaan.

Qiimaynta lacagta ayaa muujinaysa in Gunners ay bixin doonto 60 milyan oo gini oo dammaanad ah iyo 7.5 milyan oo gini oo dheeri ah.

Arsenal ayaa saxiixa xiddiga ka afduubatay kooxda Tottenham kuwaas oo ku dhawaa saxiixiisa.

Si kastaba ha ahaatee, waxay wax badan ka bixiyeen Declan Rice (£ 105m), si ay uga soo qaataan West Ham xagaaga 2023.

Nicolas Pepe ayaa sidoo kale Arsenal kaga soo biiray (£72m) markii ay kala soo wareegeen Lille.

Shanta saxiix ee ugu qaalisan ayaa waxaa dhameystiray Kai Havertz (£65m) iyo Viktor Gyokeres (£63.5m), kuwaasoo ay kala soo wareegeen Chelsea iyo Sporting CP siday u kala horreeyaan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga