Eberechi Eze Oo Bil Ka Maqnaan Kara Garoomada.

Ciyaaryahanka Eberechi Eze ee Arsenal ayaa laga yaabaa inuu garoomada ka maqnaado muddo bil ah, iyadoo kooxda ay weli sugayso natiijooyinka baaritaanka (scan) toddobaadkan.

Eze ayaa si lama filaan ah uga maqnaa safkii Arsenal ee ciyaartii Wembley, halkaas oo ay 2-0 kaga adkaatay Manchester City final-kii EFL Cup final ee Axaddii.

Sidoo kale, ciyaaryahanka Harvey Barnes ee Newcastle ayaa buuxiyay booskiisa, kadib markii Eze uu ka baxay xulka England ee ciyaaraha saaxiibtinimo ee ay la leeyihiin Uruguay iyo Japan toddobaadka soo socda.

“Wax walba waan isku daynay si aan ugu diyaarinno final-ka,” ayuu yiri tababaraha Mikel Arteta Axaddii. Wuxuu intaas ku daray: “Waa inaan sameynaa scan kale lix ama toddoba maalmood gudahood oo aan sugnaa natiijada.”

Hadda, sida ay sheegtay BBC, cabsi hore ayaa muujinaysa in khadka dhexe ee weerarka uu maqnaan karo 4 ilaa 6 toddobaad, kadib markii la ogaaday inuu qabo dhaawac muruqa lugta.

Tani waa war xun oo ku saabsan ciyaaryahanka 27-jirka ah, maadaama Arsenal ay u tartamayso horyaalka, sidoo kalena uu seegi karo fursad uu ku qancin lahaa tababaraha England Thomas Tuchel, kaas oo laga yaabo inuu ka saaro xulkiisa Koobka Adduunka bilaha soo socda.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga