Eberechi Eze Miyuu Arsenal U Ciyaari Karaa Kulanka Leeds United.

Arsenal ayaa haysata ilaa 12 duhurnimo jimcaha si ay u diwaan galiyaan Eberechi Eze, hadii ay doonayaan in uu xaq u yeesho kulanka sabtida ee ay la ciyaarayaan Leeds United.

Gunners ayaa si degdeg ah ugu dhaqaaqday inay Eze kala soo wareegto kooxda Crystal Palace iyaga oo ku garaacay saxiixa xiddiga kooxda ay ku xafiiltamaan Waqooyiga London ee Tottenham Hotspur.

Si kastaba ha ahaatee, 27-sano jirkaan ayaa qarka u saaran inuu ciyaaro kulanka Palace ee Fredrikstad ciyaar ka tirsan  is reeb-reebka Europa Conference League.

Intaa ka dib, waxa uu u safri doonaa London si uu tijaabada caafimaadka ugu biiro kooxda Arsenal.

Haddii Mikel Arteta uu doonayo inuu Eze ku daro shaxdiisa maalinta kulanka ay gurigooda ku wajahayaan Leeds waa in ay diwaan galiyaan xiddiga maalinta jimcaha si uu u Ciyaaro Kulanka Soo socda.

Arsenal ayaa guul ku furtay Xilli Ciyaareerdka horyaalka kadib markii ay 1-0 kaga badisay Manchester United, waxaana ay dooneysaa inay sii dhisto kooxda ku cusub garoonka Emirates.

 

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga