Dusan Vlahovic Oo Badalay Go’aankiisii Ku Aadanaa Ku Biirista Arsenal, Maxaa Cusub

Xiddiga kooxda Fiorentina Dusan Vlahovic ayaa ka fikiraya heshiis shan sano ah oo ay Arsenal u soo bandhigtay kaas oo ka dhigaya mid ka mid ah xiddigaha ugu mushaharka badan kooxda ka dhisan waqooyiga London sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Italy.

Xiddiga reer Serbia oo hogaaminaya gooldhalinta Serie A isagoo dhaliyay 17 gool xilli ciyaareedkan – ayaa ah bartilmaameedka ugu sareeya ee Arsenal bishaan iyagoo raadinaya inay xoojiyaan weerarka.

Kooxda Fiorentina ayaa doonaysa in ay iska iibiso xiddiga iyada oo Arsenal dalab Rasmi ah oo dhan 50 milyan iyo waliba xiddiga Lucas Torreira u soo bandhigtay si ay u helaan saxiixa xiddiga.

Xiddiga ayaa markii hore doonayay in uu ku biiro kooxda Juventus maadama uu doonayay in uu sii joogo horyaalka Serie A-da.

Laakiin Xiddiga ayaa haatan ka fikiraya in uu badalo go’aankiisa una soo dhaqaaqo kooxda Arsenal inta lagu jiro suuqa kala iibsiga January ee bishan.