Doorkii Uu Sadio Mane Ka Ciyaaray Goolkii Alisson Ee Madaxa Ahaa Oo La Ogaaday.

Waxa si weyn loo hadal hayaa kubada cagta England goolkii madaxa ahaa ee uu dhaliyay Goolhayaha Liverpool ee Alisson waliba 3-da dhibcood ugu hibeeyay kooxdiisa Tartanka ay ugu jirto boosaska champions league.

Alisson ayaa noqday goolhayihii 6-aad ee taariikhda premier Leagu gool ka dhaliya iyo Goolhayihii ugu horeeyay ee Liveprool u dhaliya gool kulan Rasmi ah.

Goolhayaha reer Brazil ayaa daqiiqadii ugu dambaysay shabaqa soo taabtay kadib madax uu dhaliyay isaga oo kooxdiisa ka badbaadiyay 2 dhibcood oo ay ku lumin lahayd kulanka.

Laakiin wargayska Star Sport ayaa sheegay in uu weeraryahanka Liverpool ee Sadio Mane door muhiim ah ka ciyaaray goolkii uu dhaliyay Alisson ka hor intii uuna kubada shabaqa dhex dhigin.

Liverpool ayaa heshay koorne daqiiqadii ugu dambaysay ee ciyaarta waxana la arkay Sadio Mane oo Alisson ugu yeedhaya in uu madaxa galo maadama ay tahay fursadii ugu dambaysay ee ciyaarta.

Sidoo kale Sadio mane ayaa Xiddiga Trent Alexander-Arnold u sheegay in uu isagu laado koornaha isaga oo u diiday Andy Robertson oo ahaa xiddigii doonayay in uu laagto maadama ay dhiniciisii ahayd.

Sii Akhriso: Tilmaamaha & Astaamaha Qeexan Ee Jacaylka Dhabta Ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*