Doorkii Ay Arsenal Iyo Nicolas Pepe Ka Qaateen Saxiixii Ay Liverpool Kula Saxiixatay Diogo Jota Oo La Kashifay.

Kooxda Arsenal ayaa door ka qaadatay saxiixa ay Liverpool kula soo wareegtay xiddiga wacdaraha dhigaya ee Diogo Jota sida uu xaqiijiyay wakiil kubada cagta ah.

Jota ayaa saamayn cajiib ah ku yeeshay Reds tan ilaa markii uu ku soo biiray Liverpool isaga oo dhaliyay 7 gool 10 kulan uguna dambeeyay saddexleydii uu ka dhaliyay champions League kooxda Atalanta.

Xiddiga reer Portugal ayaan loo arkin xiddig muhiim ka ah kooxda Wolves waxana si weyn looa yaabay in ay Liverpool ka bixisay saxiixiisa lacag dhan 41 milyan oo euro.

Laakiin Reds ayaa kaliya bixisay lacag dhan 10 milyan oo euro oo halka hore ah iyada oo bixinta u qaybisay sanado badan sida uu sheegay wakiilkii Arsenal ka caawiyay in ay 72 milyan kula soo wareegto Nicolas Pepe xagaagii hore.

“Arsenal ayaa noqotay kooxdii ugu horaysay ee sanado badan u qaybisa lacag aad u badan markii ay la soo saxiixdeen Nicolas Pepe taasna waxa ay ahayd xiddiga intii aanu xanuunka Korona jirin”ayuu u sheegay Liverpool Echo.

“Waxan u malaynayaa in ay Liverpool ku saxsantahay in ay marto wadadaas kulana soo saxiixato Diago Jota waxana ay Liverpool lacagta u ka la bixinaysaa sanado dhawr ah”ayu sii raaciyay.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*