Donyell Malen Oo Lagu Qal-qaalinayo In Uu Dib Ugu Soo Laabto Horyaalka Ingiriiska

Kooxda Arsenal ayaa dadaal dheeraad ah ku bixineysa in ay dib u soo ceshataan da`yarkoodii Donyell Malen sida warbaahinta Holland ay ku warameyso .

Donyell Malen oo weerarka ka ciyaara ayaa haatan u jooga kooxda PSV ee Holland , waxa uuna ka baxay xeradada da`da yarta Arsenal

PSV ayaa kooxdaas u dhaliyay illaa iyo haatan 33 gool ka dib 78 kulan ee uu u saftay kooxdaas tan iyo iyo markii uu ku biiray

Arsenal oo aan weli sheegin qiimaha ay ku dooneyso Melen waxa ay loollan adag kala kulmeysaa kooxda Juventus oo si fog u dooneysa

Sida Daily Mail soo xiganeyso , Arsenal ayaa haatan xariir la biloowday wakiilka laacibka si uu ogalaado soo jeedintaas ka hor inta aysan dalab ka geyn saxiixiisa

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*