Donny van de Beek Oo Loo Sheegay In Uu Sameeyay Khalad Weyn Markii Uu Ku Biiray Man United.

Xiddigii hore ee reer Holland Marco van Basten ayaa sheegay in Donny van de Beek uu qalad ku galay ku biirida Manchester United intii lagu jiray suuqii xagaaga.

23 jirkaan ayaa ka tagay Ajax si uu ugu biiro United bilowgii bishii Sebtember, waxaana uu haatanba 7 kulan u saftay kooxda Man United xilli ciyaareedkan.

Van de Beek ayaan wali ku bilaaban wax Premier League ah waxana uu ciyaaray 59 daqiiqo oo horyaalka ah.

Kadib bar-barihii ay United la gashay Chelsea xiddiga ayaa ahaa kayd aan la isticmaalin Solskjaer ayaana sheegay in uu xiddiga reer Holland kulamo badan ciyaari doono xilli ciyaareedkan.

Si kasta ha ahaatee Van Basten ayaa sheegay in ay ahayd xiddiga reer Holland in uu sugo kooxo ka fiican United oo u yimaada adeegiisa.

“Donny ma aheyn inuu aado Manchester United. Markaad tahay ciyaaryahan wanaagsan waxaad dooneysaa inaad ciyaarto usbuuc walba. Runtii waa wax xun in ciyaaryahan sida Donny ah uu ciyaaro kaliya lix ama todobo kulan sanadkan,” Van Basten ayaa u sheegay Ziggo Sport.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*