Divock Origi Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa Liverpool.

Xiddiga kooxda Liverpool ee Divock Origi ayaa lagu soo waramayaa in uu go’aansaday in uu sii joogo kooxda Liverpool xilli ciyaareedka dambe.

Xiddiga reer Belguim ayaa kayd ka ah kooxda Jurgen Klopp isaga oo ka dambeeya xiddigaha Salah, Mane iyo Firmino isaga oo aan kulamo badan ku bilaaban shaxda Reds.

Divock Origi ayaa 26 kulan badal ku soo galay xilli ciyaareedkan tartamada oo dhan waxana uu dhaliyay 3 gool iyo hal caawin.

Si kasta ha ahaatee xiddiga 25 jirka ayaa ku faraxsan xaaladiisa haatan ee kooxda Liverpool diyaarna u ah in uu sii joogo xilli ciyaareedka dambe.

Xiddiga ayaa kooxda Liverpool kula jira heshiis 4 sano ah waxana uu wargayska Het Laatste Nieuws sheegayaa in uuna xiddigu raadinayn koox cusub.

Sii Akhriso: 60 Sano Kadib Xidhiidhkii U Dhexeeyay Masar & Somalia Oo Qarka U Saaran In Uu Bur-Buro.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*