Diogo Jota Oo Man United Ku Ceebaystay Rikoodh Cajiib Ah.

Goolkii uu Diogo Jota ka dhaliyay kooxda Leicester City kulankii ay Liverpool guusha 3/0 ah ka gaadhay ayaa saxiixa cusub ee Reds ka dhigtay xiddigii ugu horeeyay ee taariikhda kooxda ee gool dhaliya 4-tiisa kulan ee ugu horeeya garoonka kooxdiisa.

Sidoo kale Weeraryahanka ayaa kaligiis dhaliyay goolal ka badan kuwa ay Man United garoonkeeda Old Trafford ku dhalisay 5-tii kulan ee ay ku ciyaartay.

Bruno Fernanades ayaa dhaliyay goolkii ugu dambeeyay ee Old Trafford kadib markii uu rikoodhe ka dhaliyay kooxda West Brom Sabtdiii.

Goolkaas ayaa Red Devils ka caawiyay guushoodii ugu horaysay ee ay ku gaadho garoonkeeda horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Jota ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku jiray tan ilaa markii uu ku soo biiray Liveprool suuqii xagaaga iyada oo uu xiddigu dhaliyay 8 gool 10 kulan oo tartamada oo dhan ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*