Diogo Jota Oo Isha Ku Haya Rikoodh Kale Kulanka Champions League Ee Caawa

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Liverpool ee Diogo Jota ayaa jabin kara rikoor kale oo Liverpool ah markii Reds ay Atalanta ku soo dhaweyso Anfield kulanka caawa ee Champions League.

Xiddigii hore ee kooxda Wolves ee Diogo ayaa si cajiib ah ku bilowday noloshiisa Liverpool isaga oo sii waday goolasha kulankii ay Liverpool 3/0 ku garaacday kooxda Leicester City.

Diogo ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay ee tariikhda kooxda Liverpool ee gool dhaliya 4-tiisa kulan ee ugu horeeya ee Anfield kadib goolkii uu ka dhaliyay kooxda Leicester City.

Hadii uu xiddiga 23 jirka ah dhaliyo gool kulanka caawa ee champions League waxa uu dhalin doonaa goolkiisii 5-aad ee champions League xiddiga ugu dhaqsiyaha badan ee taariikhda kooxda Liverpool.

Kadib markii uu saddexley ka dhaliyay Atalanta kulankii lugtii xiddiga ayaa ku kalsoon in uu mar kale isku qori doono taariikhda kooxda Liverpool.

Goolkii 1-aad ee Jota ee champions League ayaa yimid kulankii ay Reds 2/0 uga badisay kooxda Midtjylland xilli ay kulanka caawa xaqiiqsan doonaan wareegooga xiga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*