Diogo Jota Oo Fariin U Diray Taageerayaasha Liverpool

Xiddiga weerarka uga ciyaara Liverpool Diogo Jota ayaa shaaca ka qaaday inuu diyaar u yahay bilowga xilli ciyaareedka cusub ee Reds, isagoo sharraxay inuu diyaar u yahay inuu wax walba u sameeyo kooxdiisa wakhtiga soo socda.

Diogo Jota ayaa qaab ciyaareed fiican soo bandhigay xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay ee Liverpool inkasta oo uu dhaawac ku seegay kulamo badan oo kooxdiisa ah.

Xiddiga oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Hagaag, taasi ma ahayn wixii aan dooneynay, laakiin waxa aan helay nasasho fiican haatana waxa aan diyaar u ah in aan bilowdo xilli ciyaareedka cusub”.

“Waxa aan ku jiraa tababarka orodka waxana aan isku diyaarinayaa in aan ku biiro kooxda inteeda kale waxana aan dareemayaa fiicnaan”.

“Waa markii ugu horaysay ee aan Liverpool la qaato isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub, waxana uu noqon doonaa xilli ciyaareedkii 2-aad wali waxa aan baranayaa sidi aan kooxda ula shaqayn lahaa laakiin diyaar ayaan ahay”ayuu sii raaciyay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*