Diogo Jota Kashifay Cida Saamaynta Ku Leh Qaab Ciyaareedkiisa Cajiibka Ah.

Diogo Jota ayaa amaanay saameynta Mohamed Salah iyo Sadio Mane ka dib markii uu seddexleey ka dhaliyay ciyaartii Liverpool 5-0 ku xasuuqday Atalanta ee Champions League.

Seddexleeydii Jota ee salaasadii ayaa ka dhigtay goolashiisa 7 gool 10 kulan uu ciyaaray tan iyo markii uu ku biiray kooxda Jurgen Klopp uguna soo biiray lacag dhan 40 milyan oo euro.

Kadib kulankii Jota oo gool dhaliyay 4-tii kulan ee ugu dambeeyay ayaa la waydiiyay in uu ku jiro qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa.

“Hagaag, waxa aan u ciyaarayaa kooxdii ugu fiicnayd xirfadayda”ayuu Jota u sheegay BT Sport.

“Ma garanayo in ay tahay wakhtigii ugu fiicnaa laakiin dhalinta goolasha ayaa ah waxa aan u ciyaarayo kubada cagta waanan ku faraxsanahay in aan goolal dhaliyay champions League”.

Xiddiga Jota ayaa amaanay xiddigaha ay iska garab ciyaarayeen ee Sadio Mane iyo Mohamed Salah kuwaas oo dhankooda gool dhaliyay.

“Sida iska cad waa laba xiddig oo heer sare ah”ayuu yidhi.

“Dhamaanteen waan ognahay tayadooda waxana ay shaqadayda ka dhigayaa mid fudud sababta oo ah waa laba xiddig oo cajiib ah”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*