Dietmar Hamann Oo Qiimeeyay Saxiixyada Liverpool Ee Diogo Jota & Thiago Alcantara.

Dietmar Hamann ayaa la dhacay bilowga ay sameeyeen saxiixyada cusub ee Liverpool ee Thiago Alcantara iyo Diogo Jota isaga oo sheegay in ay Liverpool u noqon doonaan saxiixyo Fiican.

xiddigii hore ee khadka dhexe ee Liverpool, ayaa qirtay in ayna Liverpool u baahnayn saxiixa Thiago inkasta oo ay kooxdu ku dhibaatoonayso kubad samaynta sabab la xidhiidha xiddigaha weerarka uga ciyaara kooxda.

Laakiin waxa uu rumaysanyahay in saxiixa Thiago ay kooxda ku soo kordhin doonto wax markii hore ka maqnaa kooxda Liverpool ee haatan.

Waxana uu xiddigii hore ee Bayern Munich bar-bar dhigay xiddiga kooxda Barcelona ee Philipp Coutinho.

“Waxa uu keenayaa aragti kale khadka dhexe ee Liverpool sababtoo ah waxa ay heystaan xiddigo fiican laakiin waxa aan dareensanahay in ayna u baahnayn saxiixiisa sabab la xidhiidha xiddigaha weerarka uga ciyaara iyo waliba daafacyada garbaha”ayuu Hamnn u sheegay TalkSport.

“Thiago waa xiddig marka ay Liverpool la ciyaarayso kooxaha daafaca gala Albaabka u furaya sidii Coutinho markii uu joogay Liverpool”.

Dadka ayaa su’aal ka keenay saxiixa ay Liverpool la soo saxiixatay xiddiga Jota laakiin Hamnn ayaa la dhacay qaab ciyaareedka xiddiga.

“Waxa uu dhaliyay goolal muhiim ah waxana aan u malaynayaa in uu yahay xiddig wax ku soo kordhin kara weerarka kooxda”yuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: Aflagaadeynta Nabiga waa aflagaadeynta Muslimiinta oo dhan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*