Diego Simeone Oo Kashifay Qaabkii Uu Luis Suarez Ugu Adeegsaday In Uu Lionel Messi Ku Qanciyo Ku Biirista Atletico Madrid.

Diego Simeone ayaa daaha ka qaaday inuu qorshe cajiib ah ka garab sameeyay Luis Suarez xagaagii lasoo dhaafay si uu isugu dayo inuu u dhaqaaqo Lionel Messi xagaagii la soo dhaafay.

Wadahadaladii heshiis kordhinta Lionel messi ee Barcelona ayaa bur-buray kadib markii ay kooxdu awood u wayday mushaharka Lionel Messi xilli uu xiddigu qaab xor ah uga tagaya kooxda.

Tababaraha Atletico Madrid ee Simeone ayaa qirtay in uu isku dayay in uu Luis Suarez u sheego in uu ku qanciyo saaxiibkiisii hore in uu kula biiro kooxda caasimada.

“Waxa aan kuu sheegi doonaa wixii dhacay, waxa aan la hadlay Luis”ayuu Simeone yidhi.

“Ixtiraam aan u hayo, lama hadlin Messi, laakiin waxa aan Luis u sheegay in uu Messi ku qanciyo in uu yimaado Atletico”ayuu sii raaciyay.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*