Didi Hamann Oo Qiimeeyay Fursadaha Liverpool Ee Ku Dhamaysiga 4-ta Boos Ee Ugu Saraysa Premeir League Xilli Ciyaareedkan.

Halyeeyga Kooxda Liverpool ee Didi Hamann ayaa sheegay in ay adagtahay in ay Liverpool ku soo baxdo 4-ta boos ee ugu sareeya horyaalka premeir League xilli ciyaareedkan.

Reds ayaa bar-baro 1/1 ah la gashay kooxda Leeds United iyaga oo 2 dhibcood ka dambeeya kooxda kaalinta 2-aad ku jirta ee West Ham.

“Waxan u malaynaya in ay adagtahay in ay Liverpool ku dhamaysato 4-ta boos ee ugu sareeya”ayuu Didi Hamann u sheegay Stadium Astro.

“Waxa ay dhibco ka dambeeyaan kooxaha ka horeeya”.

“Hadii ay doonayaan in ay ku dhamaystaan 4-ta boos ee ugu sareeya waxa ay u baahanyihiin ugu yaraan 20 dhibcood umana malaynayo in ay haatan heli karaan dhibcahaas”.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Maxaad Ku Jawaabi Hadii Gabadh Aad Ka Heshay Ku Waydiiso Da’daada?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*