Dib U Eegid:Alexandre Lacazette Oo Boodhka Ka Jafay Rikoodh UuThierry Henry U Dhigay Arsenal 13 Sano Ka Hor.

Kooxda Arsenal ayaa guul soo laabasho leh ka gaadhay kooxda Liverpool kulan ka dhacay Emirates kana tirsanaa todobaadkii 36-aad ee horyaalka Premier League.

Goolal ay dhaliyeen Alexandre Lacazette Iyo Reiss Nelson ayaa Arsenal ka caawiyay in ay garaacaan kooxda ku guulaystayy horyaalka premier League ee Liverpool.

Kadib guushaas xiddiga Alexandre Lacazette ayaa boodhka ka jafay rikoodh uu Thierry Henry U dhigay Arsenal 13 sano ka hor horyaalka Premier League.

Xiddiga weerarka uga ciyaara Arsenal ee Alexandre Lacazette ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay ee gool dhaliya mid kalena caawiye ka noqday kulan premier League ah oo ay Arsenal la ciyaartay koox maalintaas hogaaminaysa horyaalka tan ilaa sanadkii 2007 markaas oo uu Thierry Henry sidaas sameeyay kulan ay Arsenal la ciyaaraysya Man United bishii January.

Sii Akhriso: XASAASI: Dalka Masar Oo Wafti Qarsoodi Ah U Soo Dirtay Somaliland Xilli Muranka Ay Kula Jiraan Itoobiya Cidka Isku shareeray.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*