Dib U Eegid: Xulka Qaranka Qatar Oo Boodhka Ka Jaftay Rikoodh 28 Sano Ka Hor Laga Dhigay Koobka Adduunka.

Xulka qaranka Qatar ayaa guuldaro ku bilowday koobka adduunka ee uu dalkoodu marti galinayo kadib markii ay guuldaro kala kulmen xulka Ecuador.

2 gool oo uu dhaliyay xiddiga Enner Valencia ayaa Ecuador ka caawiyay in ay gaadho guul muhiim ah bilowga koobka adduunka qatar 2022.

Xulka Qatar ayaa guud ahaan ciyaarta aan hal laad la helin goolka xulka Ecuador iyaga oo kaliya guud ahaan laagay ciyaarta 4 laad oo kaliya.

Sidaas darteed xulka Qatar ayaa noqday xulkii ugu horeeyay ee aan wax laad ah ku laagin goolka kulan koobka adduunka ah tan ilaa 1994.

Xulkii ugu dambeeyay ee sidaas sameeyay ayaa ahaa xulka USA ama xulka Maraykanka kuwaas oo aan wax laad ah ku laagin goolka Brazil kulan dhex maray labada xul.