Dib U Eegid: Xota & Xaqiiqooyinka Laga Bartay Kulankii Ay Liverpool Ku Guulaystay UEFA Super Cup-ka

Kooxda Liverpool ayaa ku guulaystay koobka UEFA Super Cup kadib markii ay rikoodhayaal ku garaaceen kooxda Chelsea kulan xiiso lahaa oo 4 gool la kala dhaliyay.

Goolasha Reds ayuu dhaliyay Sadio Mane kaas oo 2 gool kula soo laabtay kulankiisii ugu horeeyay ee uu ku bilowdo shaxda Liverpool kadib markii uu ka soo laabtay fasaxa.

Hadaba halkan kaga bogo xogta iyo xaqiiqooyinka ee laga diwaan galiyay kulanka.

1.Kulankii Chelsea iyo Liverpool ee UEFA Super Cup-ka ayaa noqday kulankii 8-aad ee dhex mara laba kooxood oo isku dal ah iyo midkii ugu horeeyay ee dhex mara laba koox oo England ah.

2.Jurgen Klopp ayaa kulankii UEFA Super Cup-ka hogaamiyay kulankiisii 800-aad ee xirfadisa tababare waxana uu guulaha ugu badan ku gaadhay Liverpool isaga oo gaadhay 57%.

Advertisements

3.Olivier Giroud ayaa dhaliyay 12 gool 16-kii kulan ee ugu dambeeyay ee tartamada yurub uu u ciyaaray chelsea marka loo bar-bar dhigo 7 gool oo uu dhaliyay 49-kii kulan ee tartamada maxaliga ah.

4.Sadio Mané ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay ee African ah ee dhaliya Tartanka UEFA Super Cup-ka tan ilaa Frederic Kanoute oo dhaliyay gool sanadkii 2006.

5.Sadio Mane ayaa dhaliyay 19 gool sanadkii 2019 kaliya waxa ka badan Sergio Aguro oo dhaliyay 20 gool tartamada oo dhan marka laga reebo Premier League.

6.Liverpool ayaa noqotay kooxdii ugu horeeyay ee premier League ah ee ciyaartay laba kulan rikoodhayaal bil gudohooda tan ilaa 2007 markaas oo ay sidaas ku dhacday kooxda Middlesbrough.

7.Liverpool ayaa ku guulaystay koobka UEFA Super Cup markii 4-aad ee taariikhdooda waxana ka badan kaliya kooxaha Barcelona iyo Ac Milan kuwaas oo ku guulaystay min 5 jeer.

1 Comment

  1. Habartii waxay tidhi aniga i heer waase jabanyahay liverpool basay koobna qaaday lkn hoogay oo ba ayeey ayay ku qaaday lkn ha ogaato cadowgeeda wayn inaanay qaab ciyaareedkan oo kale aanay guul kaga keeni doonin labada man …………………………….. WAXYI IGUMA SOO DEGO HADANA WAX IMA SEEGAANE

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*