Dib U Eegid: Willian Oo Isku Qoray Taariikhda Prmeier League Kadib Goolkii Watford.

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda chelsea ee Willian ayaa isku qoray taariikhda horyaalka Premier League iyo waliba kooxdiisa chelsea kadib guushii ay Chelsea ka gaadhay kooxda Watford.

Goolal ay dhaliyeen xiddigaha Olivier Giroud iyo Willian ayaa Blues ka caawiyay in ay gaadho guul 2/0 ah oo muhiim u ahayd kooxda Frank Lampard taas oo dib ugu soo celisay wadada guulaha.

Xiddiga Willian ayaa gool u badalay rikoodhe loo dhigay kooxdiisa daqiiqadii 45-aad waxana uu goolkaas ku galay taariikhda Blues iyo waliba horyaalka Premier Legaue.

Xiddiga Willian ayaa ugu horayn noqday iddigii ugu horeeyay ee Abid taariikhda chelsea gool ka dhaliya 3 rikoodhe 3 kulan oo xidhiidh ah horyaalka premier League.

Dhanka xiddiga Willian ayaa noqday xiddigii 6-aad ee taariikhda premier League gool rikoodhe ah ka dhaliya 3 kulan oo xidhiidh ah horyaalka prmeier League.

Xiddigihii hore ee rikoodhkaas kaga horeeyay Willian ayaa ah kuwa hoos ku xusan:

Ian Wright – 1994

Michael Owen – 2003

Ruud van Nistelrooy – 2003

Yohan Cabaye – 2015

Sergio Aguero- 2017

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*