Dib U Eegid: Waa Maxay Rikoodhka Ay Man United & Chelsea Boodhka Ka Wada Jafteen.

Kooxaha Man United iyo chelsea ayaa guuldarooyin kala kulmay kulamadii ay ciyaareen horyaalka premier League todobaadkan.

Man United ayaa guuldaro lama filaan ah daqiiqadihii ugu dambeeyay kala kulantay kooxda Aston Villa kulan ka dhacay Old Trafford xilli ay Man United iska khasaarisay rikoodhe daqiiqadihii ugu dambeeyay ciyaarta.

Dhanka kale Chelsea ayaa guuldaro kala kulantay Man City kulan ay Kooxda difaacanaysa Premier League ee Man City ahayd kooxda fiican kana awooda badan chelsea.

Labada kulan ayaa ku dhamaaday min 1/0 iyada oo Man City iyo Aston Villa heleen 3 dhibcood iyaga oo marti u ahaa labada kooxood ee United iyo chelsea.

Kadib guuldarooyinka City iyo Chelsea, waa markii ugu horaysay tan ilaa sanadkii 2011 ee ay Man United iyo Chelsea la kulmaan guuldaro xilli ay ku ciyaarayaan garoonkooda.

Sii Akhriso: Waakan Ninka Ay Dumarka Oo Dhan Jecelyihiin, Xitaa U Dhiman Karaan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*