Dib U Eegid: Vinícius Júnior Oo Boodhka Ka Jaftay Rikoodh Uu Gonzalo Higuaín U Dhigay Real Madrid.

Xiddiga kooxda Real madrid ee Vinícius Júnior ayaa isku qoray taariikhda Real Madrid ee horyaalka La Liga kadib guushii ay Real ka gaadhay kooxda Mallorca.

Xiddiga Vinícius Júnior ayaa dhaliyay goolka 2-aad ee kooxdiisa kulankii ay 4/1 uga badiyeen kooxda Mallorca kulan dhinac kaliya ahaa.

Goolkii uu dhaliyay Vinícius Júnior ayaa la macno ahaa in uu gool dhaliyay 4 kulan oo xidhiidh ah horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.

Xiddiga Vinícius Júnior ayaa noqday xiddigii ugu da’da yaraa ee gool dhaliyay 4 kulan oo xidhiidh ah horyaalka La Liga isaga oo jiray 21 sano 346 maalin.

Xiddigii ugu dambeeyay ee Real Madrid sidaas u sameeyay ayaa ahaa xiddiga Gonzalo Higuaín kaas oo rikoodhkaas dhigay sanadkii 2009.