Dib U Eegid: Thomas Tuchel Oo Boodhka Ka Jaftay Rikoodh Chelsea Laga Digay 9 Sano Ka Hor

Tababaraha Kooxda chelsea ee Thomas Tuchel ayaa durba isku qoray taariikhda kooxda chelsea kadib kulankiisii 2-aad ee uu hogaamiyay Blues horyaalka premier League.

Kooxda Chelsea ayaa guul 2/0 ah ka gaadhay kooxda Burnley kulan ka tirsanaa horyaalka premier League kulan ka dhacay garoonka Stamford Bridge.

Guushaas ayaa ahayd midii ugu horaysay ee uu Thomas Tuchel la gaadho chelsea tan ilaa markii uu tababaraha u noqday kooxda laakiin waxa uu durba isku qoray taariikhd chelsea.

Chelsea ayaa shabaqeeda ilaashatay labadii kulan ee uu Thomas Tuchel hogaamiyay kooxda chelsea iyada oo aan waxba laga dhalin kulankii Wolves sidoo kale aan waxba laga dhalin kulankii Burnley.

Kadib labadaas kulan ee ay chelsea shabaqa ilaashatay Thomas Tuchel ayaa boodhka ka jaftay rikoodh ay chelsea dhigtay 9 sano ka hor.

Tababare Thomas Tuchel ayaa noqday tababarihii ugu horeeyay ee shabaqiisa ilaashaday labada kulan ee ugu horeeya premier League tan ilaa markii uu tababare Rafael Benitez sidaas sameeyay bishii November 2012.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*