Dib U Eegid: Thomas Tuchel Oo Bar-Bareeyay Rikoodh Uu Jose Mourinho Dhigay Kadib Guushii Blues Ee Atletico Madrid.

Tareenka Guulaha ee kooxda Chelsea ayaa wali la joojin laayahay iyada oo guul muhiim ah ka gaadhay kooxda Atletico Madrid kulan ka tirsanaa champions League.

Gool uu dhaliyay Xiddiga Olivier Giroud ayaa chelsea kaga filanaa in ay guul marti ah oo muhiim ah ka gaadhay kooxda Atletico Madrid.

Kadib guushaas tababare Thomas Tuchel ayaa boodhka ka jaftay rikoodh uu tababare Jose Mourinho u dhigay kooxda chelsea.

Thomas Tuchel ayaa kaliya laga dhaliyay 2 gool 8-dii kulan ee uu hogaaminayay kooxda chelsea waana tababaraha 2-aad ee taariikhda kooxda goolasha ugu yar laga dhaliyay.

Kaliya waxa ka goolal yar tabababre Jose Mourinho kaas oo laga dhaliyay kaliya hal gool 8-diisii kulan ee ugu horeeyay ee uu hogaamiyay Blues.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*