Dib U Eegid: Thomas Tuchel Oo Bar-Bareeyay Rikoodh Uu Frank Lampard U Dhigay Chelsea.

Kooxda chelsea ayaa guuldaro lama filaan ah kala kulantay kooxda Dinamo Zagreb kulan ka tirsanaa kulankooodii ugu horeeyay ee wareega Group-yada tartanka champions League.

Chelsea ayaa guuldaro 1/0 ah kala kulantay Dinamo Zagreb kulan ay Blues mar kale si weyn u dhibaatootay iyaga oo aan wax saamayn ah ku yeelan ciyaarta 90-kii daqiiqo.

Kadib guushaas chelsea ayaa la kulantay guuldaradii 3-aad oo xidhiidh ah kulamada martida ee tartamada oo dhan markii ugu horaysay intii uu Thomas Tuchel hogaaminayay kooxda.

Markii ugu dambaysay ee chelsea laga badiyay 3 kulan oo xidhiidh ah martida waxa ay ahayd December 2020 markaas oo uu Frank Lampard hogaaminayay kooxda chelsea.