
Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Tottenham ee Son Heung-Min ayaa boodhka ka jafay rikoodh uu Emmanuel Adebayor ka dhigay kulanka North London Derby ee horyaalka premier league.
Xiddiga Son Heung-Min ayaa dhaliyay goolka 1-aad ee kooxdiisa ka hor inta uuna caawiyaha ka noqon goolkii 2-aad ee uu dhaliyay daafaca kooxda Tottenham ee Toby Alderweireld.
Kadib markii uu gool dhaliyay mid kalena caawiye ka noqday xiddiga Heung-Min Son ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay ee sidaas ameeyay tan ilaa Emmanuel Adebayor kaas oo sidaas sameeyay February 2012.