Dib U Eegid: Sergio Ramos Oo Boodhka Ka Jafay Rikoodh 14 Sano Ka Hor Laga Dhigay La Liga

Daafaca kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa sii wada qaab ciyaareedkiisii cajiibka ahaa ee horyaalka La Liga iyo waliba gool dhalintiisii badnayd kulankii ay kooxdiisu guusha ka gaadhay Athletic Bilbao.

Gool uu Sergio Ramos dhaliyay daqiiqadii 73-aad oo rikoodhe ahayd ayaa Los Blancos ku hogaamisay guul muhiim ah oo kooxda ku dhawaysay ku guulaysiga horyaalka La Liga.

Daafaca reer Spain ee khabiirka ah ayaa dhaliyay goolkiisii 10-aad ee horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan kadib rikoodhadii uu ka dhaliyay kooxda Athletic Bilbao.

Kadib goolkaas Sergio Ramos ayaa boodhka jafay rikoodha daafacyada uga yaalay horyaalka La Liga oo ay ugu dambaysay tan ilaa xilli ciyaareedkii 2005/2006.

Sergio Ramos ayaa noqday daafacii ug horeeyay ee 10 gool dhaliya xilli ciyaareed kaliya horyaalka La Liga tan ilaa daafaca Mariano Pernia kaas oo kooxda Getate u dhaliyay 10 gool xilli ciyaareedkii 2005/2006.

Sii Akhriso: Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo & Safiirka Shiinaha Ee Somalia Ku Qaabilay Villa Somalia & Heshiiskii Somaliland & Taiwan Oo Lagu Soo Hadal Qaaday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*