Dib U Eegid: Scott McTominay Oo Isku Qoray Taariikhda Horyaalka Premier League.

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Man United ee Scott McTominay ayaa wacdaro dhigay kulankii ay kooxdiisu guusha weyn ka gaadhay kooxda Leeds United.

Xiddiga reer Scotland ayaa ku bilowday shaxda Red Devils kadib wacdaro dhigay isaga oo kooxdiisa u dhaliyay 2 gool oo ka mid ah 6-dii ay kooxdiisu dhalisay.

Kadib labadaas gool xiddiga Scott McTominay ayaa isku qoray taariikhda horyaalka premier League waliba baal dahab ah ka galay taariikhda tartanka.

Xiddiga Scott McTominay ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay ee taariikhda Premier League dhaliyay 2 gool 3-da daqiiqo ee ugu horaysa kulan horyaalka ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*