Dib U Eegid: Rashford & Martial Oo Xilli Ciyaareedkan Qabtay Shaqo Ay Cristiano Ronaldo & Carlos Tevez U Qabteen Man United 12 Sano Ka Hor.

Kooxda Man United ayaa guul weyn ka gaadhay kooxda Bournemouth kulan ka dhacay Old Trafford kana tirsanaa horyaalka premier League.

Goolal ay dhaliyeen Mason Green Wood (2), Marcus Rashford, Anthony Martial iyo Bruno Fernandes ayaa Man United ka caawiyay in ay gaadho guul weyn oo ay u qalantay.

Xiddigaha Marcus Rashford & Anthony Martial ayaa dhankooda u dabaal dagay rikoodh aan lagu arkin Man United tan ilaa xilli ciayareedkii 2007/2008 kadib goolashii Bournemouth.

Xiddigaha Marcus Rashford & Anthony Martial ayaa garoonka Old Trafford ku dhaliyay 10 gool iyo wax ka badan xilli ciyaareedkan waana markii ugu horaysay tan ilaa xilli ciyaareedkii 2007/2008 ee ay laba xiddig ku dhaliyaan goolal intaas leeg garoonka Old Trafford.

Xiddigaha Cristiano Ronaldo & Carlos Tevez ayaa ahaa xiddigihii ugu dambeeyay ee sidaas sameeyay xilli ciyaareedkii 2007/2008.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*