Dib U Eegid: Pep Guardiola Oo Isku Qoray Taariikhda Carabao Cup-ka

Kooxda Man City ayaa ku guulaystay koobka Carabao Cup-ka kadib kulan adag oo ay kaga hor tagtay kooxda Tottenham kana dhacay garoonka Wembley final-kii ugu horeeyay ee xilli ciyaareedkan.

Gool uu dhaliyay daafaca Aymeric Laporte Daqiiqadii 82-aad ayaa Man City ku hogaamisay ku guulaysiga koobka Carabao cup-ka xilli ciyaareedkan iyaga oo ku guulaystay koobkii ugu horeeyay.

Kadib ku guulaysiga Man City ee Pep Guardiola ayaa isku qoray taariikhda Carabao cup-ka isaga oo markii 4-aad kooxda Man City kula guulaystay koobka tan ilaa markii uu yimid kooxda.

Guardiola ayaa bar-bareeyay rikoodhkii tababarayaasha Brian Clough, Alex Ferguson & José Mourinho kuwaas oo min 4 jeer ku guulaystay koobka Carabao cup-ka ama League cup-ka.

Sii Akhriso: Waa Goorma Wakhtiga Ugu Fiican Ee Jacaylku Ku Dhici Karo Qofka? Iska Baro.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*