Dib U Eegid: Mikel Arteta Oo Boodhka Ka Jaftay Rikoodh Uu Arsene Wenger U Dhigay Arsenal Kadib Guushii Crystal Palace.

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa boodhka ka jaftay rikoodh uu uu Arsene Wenger u dhigay kooxda kadib guushii ay Gunners ka gaadhay Crtstal Palace kulan ka tirsanaa premier League.

Arsenal ayaa guul ka gaadhay kooxda Palace kulan ka tirsanaa furitaanka horyaalka premier League xilli ciyaareedka cusub.

Goolal ay dhaliyeen Gabriel Martinelli iyo Marc Guehi ayaa Arsenal ku hogaamiyay guul ay ka aadheen kooxda Crystal Palace.

Guushaas ayaa ahayd guushii 50-aad ee uu Mikel Arteta la gaadhay kooxda Arsenal intii uu tababaraha u ahaa kooxda 1-aad.

Kulanka ayaa haa midkii 98-aad ee uu Arteta hogaamiyo Arsenal waxana uu noqday tababaraha 2-aad ee taariikhda Arsenal sida ugu dhakhsaha badan gaadha 50 guul premier League kadib Arsene Wenger oo 50 guul ku gaadhay 94 kulan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*